Korona Fayras: Talo ku socota dadka qaba xaaladaha caafimaadka dhimirka

Caabuqa korona fayras iyo talaabooyinka xakamaynta caabuqa ayaa abuuri kara walaac dheeraad ah oo ku dhaca qof kasta iyo dabcan si gaar ah dadka qaba xanuunada dhimirka ama dadka ay dardareen isticmaalka maandooriyaashu.

Arag bogeen dulmarka ee talada kooxaha kaladuwan: shaqaalaha caafimaadka, dadka waawayn, carruurta, qoysaska nugul iyo dadka qaba xaaladaha dhanka caafimaadka dhimirka.

Wlaacyada iyo murugta la xariirta xaalada ayaa ugasii dari karta xanuunada caafimaadka dhimirka ee aad qabtay ama keeni karta xanuuno cusub oo kugusoo baxa. Waxaa intaas dheer, talaabooyinka lagusoo rogay bulshada ayaa sii adkayn kara adeegsiga xeeladaha la qabsiga ee haddii kale ku caawin lahaa. Arintaan ayaa si gaar ah run ah haddii aad ku jirto karantiil ama go’doon sabab la xariirta caabuqa korona fayras.

Talada soo socota ayaa ku caawin karta:

  • Waa muhiim inaad raacdo qorshahaaga caadiga ah ee daawaynta. Fadlan la xariir dhakhtrkaaga ama shaqaalaha taageerada markaad u baahato haddii aad qabto wax su’aalo ah. Arintaan ayaa si gaar ah muhiim u ah haddii aad ogaato in caafimaadkaaga dhimirku uu kasii daraayo si wayn. Ka dheeroow inaad diirada saarto xakamaynta caabuqa adoo iska ilaawaaya daryeelida caafimaadkaaga.
  • Talo gaar ah ayaa laga diyaarshay maaraynta walaaca ee dadka ku jira karantiilka iyo go’doonka. Taladaan ayaa sidoo kale anfacaysa dadka la ildaran xanuunada caafimaadka dhimirka.
  • Xasuusnoow inaad adeegsato xeeladaha la qabsiga ee aad ogaatay inay ku ku anfacayaan hadda kahor. Haddii aadan adeegsan karin xaaladahaan sabab la xariirta talaabooyinka xakamaynta caabuqa ee hadda jira, raadso xeelado kuwaas ka badalan. La xariir dhakhtarkaaga ama ururka taageerada haddii aad u baahan tahay caawimaadf iyo talo la xariirta arinta kor ku qoran.
  • Waa muhiim inaad dhawrtaaa jadwalka caadiga ah ee maalin kasta iyo nidaam, si gaar ahna haddii aad ku jirto karantiilka/go’doonka ama lagaa hor istaagay ka qaybgalka nashaadaadka caadiga ah sabab la xariirta talaabooyinka xakamaynta caabuqa.
  • Xariir joogto ah la lahoow saaxiibada, ehelada iyo dadka kale ee ku taageeraaya, adoo ka wacaaya taleefanka ama baraha bulshada haddii aadan awoodin inaad kulantaan.
  • Aqoonso in xanuunkaaga caafimaadka dhimirka iyo taariikhdu ay saamayn karaan qaabka aad u fakarto, dareento aadna uga falceliso xalada korona fayraska.
  • Maaha wax lala yaabo inaad dareento walwal, walaac ama cabsato.
  • Xasuusnoow inkastoo talaabooyinka hadda la dhaqan gashay ay yhiin kuwo adag, ujedadu inay tahay kahortaga in dad badan qaadaan caabuqa iyo in laga difaaco dadka sida gaarka ah u ah kuwo unugul cudurka korona fayras.