Corona: Talo ku socota carruurta iyo dhalin yarada qaba dhibaatooyinka dhanka dareenka

Norway waxay ku jirta xaalad degdeg ah sabab la xariirta korona fayras. Laakiin arintaan waa laga gudbi doonaa. Xaaladuhu caadi ayay ku laaban doonaan mar kale, kaliya waxaanaan ogayn xiliga ay noqon doonto.

Korana fayras ayaa si dhakhso ah u faafaaya uguna dhacaaya dad badan. Marka xaaladaha qaar ay xarintaan aan caadi ahayn oo kale dhacdo, waxaa adkaan kara inaad u dulqaadato dhibaatooyin kasta oo kale oo dhanka dareenka ah ee aad qabi karto.

Isbadalada waawayn ee ku dhaca nolol maalmeedka ayaa abuuri kara in carruurta iyo kurayda qaar ay lahaadaan dhibaatooyin dhanka dareenka ah oo ah inay waajahayaan fikrado cusub, dareeno ayna walaacyo cusub dareemayaan. Arintaani waa mid caadi ah. Waxay noqon kartaa fikrad wanaagsan inaad arintaan kala hadasho qof wayn, haddii aad haysato qof aad ku kalsoon tahay.

Adeegso xeelado aad naftaada ku dajinayso marka aad dareento cadaadis badan. Iskuday kuwaan:

  • Seexo oo toos saacado isku mid ah
  • Xili hore wax cun
  • Samee waxyaabaha aad jeceshahay inaad samayso
  • Ku xirnoow ehelada iyo saaxiibada baraha bulshada ku jira

Ku xirnoow macalinkaaga iyo saaxiibadaada bulshada adoo galaaya qolka oonleenka ah ee dugsigaaga.

Haddii aad haysato dhakhtarka dhimirka ama qof kale ood toos u la hadasho, sida kalkaalisada caafimaadka bulshada, markaas waxaad iskudayi kartaa inaad wacdo ama kala xariirto baraha bulshada.

Haddii aad u baahan tahay qof aad la hadasho, bogagaaan ayaa ku caawinaaya:

  • Kors på halsen, Laynka Gurmadka ee Laanqeerta Cas ee dhalinta 18 ka yar: Wac 800 333 21 ama la sheekayso