Corona: Talo ku socota waalidiinta ku jira xaladaha nugul

Qoysaska ku sugan dhammaan Norway ayaa dareemaaya isbadalo ku dhacaaya nolol maalmeedkooda. Arintaan ayaa si gaar ah ugu adag qoysaska qaar si ka badan kuwa kale.

Dugsiyada, xarumaha barbaarinta iyo goobaha shaqada ayaa xiran, waxaana wada qaadanayna waqti aad uga badan intii aan wada qaadan jirnay caadiyan. Isla waqtigaas waalidiinta ayaa isku dayi kara inay isku dheeli tiraan nolosha shaqada iyo nolosha qoyska. Qoysaska qaar ayaa waajihi doona xanuun iyo caabuq, kaasoo ay adkaan karto in la maareeyo. Xaalada ayaa ah mid balaaran waxayna u muuqan kartaa mid qas ku abuurta dad badan.

Qoysaska ku jira xaladaha nugul ayaa si gaar ah u leh dhibaato iskudayga ah oo la xariirta masiibada sabab la xariirta waxyaabo sida xanuunada jirka ama dhimirka, khamriga ama maandooriyaha, danbiga, ama heerarka sare ee rabshada qoyska ka dhex jirta. Dhibaatooyinka ka jira qoyska ayaa kasii dari kara sababtoo ah xaalada, waxaana imaan kara dhibaatooyin cusub.

Halkaan waxaa ku qoran talooyinka qaar oo ku aadan sida waalidiintu u maarayn karaan xaalada, iyo sida cudurka korona fayras kuu saamayn karo adigga iyo qoyskaaga.

Raadso caawimaad

  • Adeegyada daryeelka caafimaadka ayaa diyaar ah. La xariir dhakhtarkaaga guud (fastlege) ama kalkaalisada caafimaadka bulshada (helsesykepleier) haddii loo baahdo. Haddii aad mar horba ku jirtay dawayn ama kormeerka khubaro kale oo daryeelka caafimaadka ah, sidoo kale waxaad ayagana kala hadli kartaa walaacyadaada.
  • Haka daahin inaad caawimaad codsato. Inta lagu jiro aafada nidaamka caafimaadka ee Norway wuxuu galayaa cadadis aad u badan. Waxaad taageero waydiisan kartaa dadka kale sidoo kale, sida ehelka, saaxiibada, dariska wanaagsan, macalimiinta ama khubarada kale ee daryeelka ilmaha ee aad ku kalsoon tahay.
  • Laymanka gurmadku waa furan yihiin. La xariir wax kamid ah kuwaan haddii loo baahdo:
    • Laynka Gurmadka Caafimaadka Dhimirka, taleefoonka 116 123
    • Adeegga xaalada degdega ah ah (SOS) ee Church City Mission, taleefanka 22 40 00 40
    • Qololka xaaladaha degdega ah ee dhimirka ee maxaliga ah
  • Xaaladaha degdega ah ee kuwaan oo kale ah ayaa ugasii dari kara xaaladaada dhaqaale. Markay sidaas kugu dhacdo, la xariir shirkada aad u shaqayso, bangigaaga ama NAV.

Talo shaqsi ah

  • La xariir adeegyada daryeelka caafimaadka haddii qoyskaagu waajaho rabshado aad u sareeya, isku dhacyo, ama cabista khamriga iyo maandooriyaha. La xariir booliiska hooyg (haweenka) ee deegaankaaga, ama laynka gurmadka sida Laynka Gurmadka ee Qaran ee Rabshada Qoyska  Laynka Gurmadka Qaran ee Isticmaalka Maandooriyaasha.
  • Si joogto ah ula xariir saaxiibada, ehelka iyo dadka kale ee ku taageeraaya. Kala xariir taleefanka ama baraha bulshada haddii aadan toos ula kulmi karin.
  • Nasiino qaado oo raadso meel aad naftaada waqti kula qaadan karto.
  • Waa muhiim inaad waqti galiso raadinta sida ugu haboon ee aad u maaraynayso caafimaadkaaga jirka iyo dhimirka, xataa haddii dadka kula jooga ay jiran yihiin, ama qoyskaagu ku jiro xaalad adag.
  • Diirada saar waxyaabaha wanaagsan ee aad la samayn karto qoyskaaga.
  • Waa muhiim inaad hayso xogtii ugu danbaysay ee xaalada aadna aruuriso xogta saxda ah ee ku qusaysa. Hase yeeshee, haddii la socoshada saxaafada ama baraha bulshadu ay cabsi iyo istarees kugu reebto, waa wax fiican inaad iska yarayso isticmaalkooda. Xasuusnoow in qufac ama hindhiso kasta oo kuu dhaw ay kugu ridayso caabuq.

Maxay samayn karaan qoysasku?

  • Hawlaha joogtada ah ee cayiman ayaa yarayn kara heerka isku dhacyada saamayn wanaagsana ku reebi kara caafimaadkaaga dhimirka. Waqtiyo gaar ah u samee cuntada iyo jiifka. Waxaad maalinta ku bilaabi kartaa quraacda qoyska.
  • Kala hadal lamaanahaaga xaladaha socda. Raadi qaab aad ku maarayso xaaladaada cusub si qeexana u sheeg higsiyadaada. Arintaan ayaa gacan ku yeelanaysa kahortaga isku dhacyada.
  • Abuur nashaadaad aad ku samaysaan guriga ama banaanka oo ku siinaaya farxad iyo istarees yarayn, sida inaad filimaan isla daawataan, dhagaysataan muusig, wax akhridaan, gaymam dheeshaan, ama aad wax isla karisaan ama aad isl soo wareegtaan.
  • Carruurtu aad bay ugu nugul yihiin dadka waawayn waxayna si fudud ku dreemi karaan amaan la’aan haddii dadka waawayn ay walaacsan yihiin. Xasuusnoow in adigga iyo lamaanahaagu aad tusaale u tihiin dabeecada carruurtiina, ayna saamayn ku leedahay qaabka aad u maarayso istareeska.
  • Qiimayn ku samee waxa dhici kara haddii adigga ama qof kale oo qoyskaaga ah uu cabuqa qaado ama jirado. Sidee ayaad ugala hadlaysaa carruurtaada arintaas? Yaa kaa caawinaaya soo adeegiga, soo qaadista daawada iyo shaqooyinka kale ee guriga?
  • Qor qof kasta oo daryeeli kara ilmahaaga haddii adigga ama lamaanahaagu jirado. Haka dahin inaad waydiiso qoyska, saaxiibada ama ehelada kale caawimaad.