Corona: Xogta iyo talo ku socota carruurta iyo dhalin yarada ku jira xaaladaha nugul

Dhammaan qoysasku way kala duwan yihiin. Mararka qaar waxay noqon kartaa mid dhab ahaantii aad u adag inaad waqti la qaadato qoyskaaga. Haddii xaaladuhu kugu adkaadaan, waxaa jiro layman tgoos ah ood wici karto.

Joogista guriga sabab la xariirta cudurka Korona fayras:

  • Dhammaan qoysasku way kala duwan yihiin. Mararka qaar waxay noqon kartaa mid dhab ahaantii aad u adag inaad waqti la qaadato qoyskaaga.
  • Wa wax caadi ah inaad carooto, cabsato ama nasan waydo marka waxyaabahaan camal dhacaan. Waxaan hadda ku jirnaa xaalad aan caadi ahayn oo fayrisku uu dad badan aad ugu faafaayo. Gabi ahaanba waa wax caadi ah inaad cabsato.
  • Dadka waawayn ayaa dareemi kar caro dheeraad ah, dabeecad axumo ama murug hadda. Qaarkood ayaa xataa noqon kara kuwo rabshad badan. Arintaan maaha khad adigu aad gashay.
  • Carruurta iyo kurayda qaar ayaa dhib ku qaba guriga. Arintaan ayaa ku abuuri karta inay dareemaan kalinimo. Markay jirto xaalad aan caadi ahayn sida tan oo kale ayaa sii kordhin karta kalinimadooda.
  • Haddii aad dhib ku qabto joogista guriga, waa muhiim inaad la xariirto saaxiibadaa iyo qaraabadaada ku jira baraha bulshada ama khadka taleefanka. Waad kali hadli kartaa sida ay tahay xaaladaada guriga, ama arimo kale.
  • Haddii aad dhib aad u badan ku qabto guriga, waxaa kuu fiicnaan karta inaad meel kale ood amaan ku dareemayso joogto. Sidoo kale waa fikir fiican inaad hesho meel aad waqti kula qaadan karto naftaada.
  • Sidoo kale waa muhiim in:
    • Aad sii wado samaynta nashaadaadka aad jeceshahay
    • Aad cuntada si caadi ah u cunto aadana xili danbe seexan
    • Sii wad jir dhiska, haddii aad jeceshahay

Maxaan samayn karaa haddii xaaladuhu kasii daraan markaan guriga joogo?

Haddii xaaladaada gurigu aad u xumaato ilaa aad caawimaad u baahato, waxaad la xariiri kartaa mid kamid ah meelahaan:

Sidee ayuu cudurka korona fayras ku faafaa? Maan xanuunsan karaa?

  • Norway waxay ku jirta xaalad degdeg ah sabab la xariirta korona fayras. Laakiin arintaan waa laga gudbi doonaa. Xaaladuhu caadi ayay ku laaban doonaan mar kale, kaliya waxaanaan ogayn xiliga ay noqon doonto.
  • Inta badan dadka qaada fayraska ayaa kaliya xoogaa jiranaaya. Qaarkood ayaa aad u jiranaaya ilaa ay u baahdaan inay isbitaal aadaan. Dadkaan ayaa caadiyan ah kuwa duqoowda ah, ama waxay qabaan cuduro kale oo jir ah sidoo kale. Isbitaalka ayaa siin doona qof kasta caawimaada uu u baahan yahay.
  • Carruurta qaada fayraska caadiyan uma xanuunsan doonaan sida dadka waawayn oo kale.
  • Waxaa jiro warar badan oo been ah oo socda kuwaasoo la xariira korona fayras. Carruurta qaar ayaa maqlaaya dadka kale oo ayaga ku eedaynaaya inay cudurka faafiyeen. Arintaan waa been, dabcan. Carruurta qaada fayraska m aysan samayn wax khalad ah.
  • Waa wax caadi ah inaad xoogaa ka cabsato jirada ama inaad qaado cabauqa. Waxaa jiro waxyaabo badan ood samayn karto si aad uga fogato qaadista fayraska, sida inaad guriga joogto, iyo inaad si adag oo joogto ah u farxalato.
  • Waa muhiim in qof kasta uu qaybtiisa ka qaato ka joojinta fayraska inuu faafo. Waana tan sababta ay tahay in carruurta iyo kuraydu ay guriga joogaan oo aysan aadin dugsiga aysana u bixin naashaadaadka dugsiga kadib waqti xaadirkaan.

Xogta:

  • Markaad maqasho xogta waxyaabo cusub oodan aqoon, waxaan si dhakhso ah u dareenaa cakirnaan iyo cabsi. Dadka qaar ayaa ka cabsi qaba inay wax xun ku dhacaan saaxiibadood iyo ehelkooda. Waa wax aad caadi u ah inaan sidaan dareeno.
  • Carruurta iyo kuraydu waxay xog badan ka helaan interneetka iyo baraha bulshada. Helitaanka xogtu waa muhiim, laakiin xog ad u badan ayaa cabsi abuuri kara.
    • Difaac naftaada. Waxaa roon inaad wax kale daawato xoogaa.
    • Haddii aad dareento cabsi ama cakirnaan, naso oo samee wax ku farxad galinaaya.
    • Inad qof la hadasho aya dareen fiican ku siinaysa.
  • Xogta qaar ee ku qoran interneetka ayaa been ah, aad uga fiirso meesha aad xogta ka helayso.