Talaabooyinka yaraynta walaaca ee dadka ku jiran karantiilka iyo go’doominta

Waxay kugu abuuri kartaa walaac badan inaad guriga joogto markaad ku jirto karantiilka ama go’doominta. Maaha wax lala yaabo inaad dareento walaac, kacsanaan ama aad xanaaqdo ama ay dhib kugu noqoto inaad wax diirada saarto ama ku dhibtooto hurdada.

Akhri talada Machadka Noorweey ee Caafimaadka Bulshada oo loo sameeyay dadka ku jira karantiilka guriga.

Akhri talada Machadka Noorweey ee Caafimaadka Bulshada oo loo sameeyay dadka ku jira go’doonka.

Arag bogeen dulmarka ee talada kooxaha kaladuwan: shaqaalaha caafimaadka, dadka waawayn, carruurta, qoysaska nugul iyo dadka qaba xaaladaha dhanka caafimaadka dhimirka.

Haddii aad la kullantay qof qaba cudurka ama aadba adigga qudhaadu qabto, waxaad ka cabsan kartaa inaad qaado astaamaha cudurka ama caafimaadkaagu kasii daro. Dad bdan ayaa sidoo kale dareemi kara nasiino la’aan, murug, kalinimo ama daal. Hase yeeshee, inta badan dadka, mudada karantiilka iyo go’doonka ayaa ahaan doonta mid fiican walaacyo kasta oo dhanka dhimirka ahna waxay noqon doonaan kuwo muddo kooban socda.

Nolol maalmeedka caadiga ah ee qoyska oo dhan ayaa isbadalaysa marka lagu gasho karantiil ama go’doomin adoo guriga jooga. Ma awoodid inaad u baxdo shaqo, dugsi, xarunta barbaarinta ama aad la kulanto dadka kale si lamid ah qaabkii hore. Arintaan ayaa badanaa keenaysa inaadan jir haan jimicsi fiican samayn, inaad cunto cunto wax kayar sida caadiga ah iyo dabcan inaad wax badan hurudo ama ay hurdadu kugu yaraato. Dadka intooda badan waxay aad u daawadaan shaashada. Hawlaha maalin kasta ee ilmaha iyo dadka da’yarta ah ee ku jira go’doonka ayaa sidoo kale isbadalaysa sabab la xariirta caabuqa.

Talabooyinka ku haboon dadka caabuqa qaba

Lasoco wararka  – laakiin yaan wararku ku dardarin

Waxaa jiro xog aad u badan iyo talo muhiim ah laakiin inaad si xad dhaaf ah u daawato wararka cusub ayaa qaadan karta waqti aad u badan waxayna kugu abuuraysaa walaac. Haddii aad doonayso inaad hesho xogtii ugu danbaysay, adeegso ilaha wararka saxda ah sida Machadka Noorweey ee Caafimaadka Bulshada iyo webseetyada Helsenorge.

Hanaan dhisan u samee maalintaada

Muhiim weeye inaad abuurato jadwalo cusub marka aad guriga iska joogayso. Iskuday inaad ilaaliso hawlahaaga joogtada ah e maalinta. Dad badan, dugsiyada iyo shaqada ayaa siiya nidaam, macno iyo amaan leh nolol maalmeedkooda. Raadso qaabab waxtar leh ood ku shaqayso haddii aad guriga adoo jooga shaqaynayso. Sidoo kale waa muhiim inaad jimicsi samayso adoo adeegsanaaya waxyaabaha aad jeceshahay.

Xaqiiji inaad qaadato kuuradaada maalin kasta ee jimicsiga jirka iyo iftiinka qoraxda.

Nolosha karantiilka ayaa si fudud ku noqon karta mid ku sifoowda ku xirnaanta guriga. Jimicsiga jirka, kusoo wareegida dabiicada iyo iftiinka qoraxda ayaa saamayn wanaagsan ku leh caafimaadka dhimirka iyo hurdada. Raac tilmaamaha kasoo baxay Machadka Noorweey ee Caafimaadka Dadwaynaha markaad samaynayso jimicsiga gudaha guriga.

Xariir la lahoow bulshada

Xataa haddii lagu karantiilay ama aad ku go’doonsan tahay guriga, waa wax fiican inaad la xariirto dadka kale adoo adeegsanaaya baraha bulshada iyo khadka taleefanka. Waxaad qorshaysan kartaa waqti aad kula xariirto dadka sida, ehelada, saaxiibada, ardayda dugsiga kula dhigta iyo saaxiibada shaqada.

Talaabooyinka ku haboon carruurta, da’ yarta iyo qoysaska ku jira karantiilka ama go’doonka

Carruurta ayaa dareeno kaladuwan ka bixin kara ku jirida karantiil ama go’doon lagu gashay guriga. Dadka qaar ayaa dareemi kara walaac, murug, walwal, cabsi, caro ama xanaaq, halka qaarkood aysan dareemi doonin wax dareento xun ah sabab la xariirta in guriga lagu karantiilay. Qaarkood ayaa dareemi kara calool xanuun, madax xanuun ama xanuun ka qabta xubnaha kale ee jirka waxaadna iswaydiin kartaa inaad jiranayso iyo in kale. Waxaad sido kale ka cabsan kartaa in waalidiinta ama ilmaha kula dhashay ay jiradaan.  Dhammaan dareenadaan waa kuwo caadi ah. Inta badan dadka, dareenadaan ayaa ka bi’i doona. Wali waxay caqabad ku noqon kartaa qoyska oo dhan marka nolol maalmeedkoodu qaabkaan isku badasho.

Waan ognahay inay jiraan waxyaabo badan oo lagu raaxaysan karo marka aad ku jirto xaalad ay tahay in lagu karantiilo ama lagu go’doonsho adoo ah qoys carruur u joogto:

La hadal carruurtaada

Carruurtu waxay u baahan yihiin xog ay fahmi karaan oo ku aadan sabab loo galiyay karantiil ama go’doonka iyo waxa ay samayn karaan. Waa muhiim in carruurtu ogaadaan inay caawinayaan sidii dadka kale looga difaaci lahaa qaadista caabuqa ayagoo galaaya karantiil. Wyadii ilmaha waxa ay la yaaban yihiin kadibna uga jawaab. Xasuunoow ilmuhu waxay xamili karaan wax ka badan intaan isleedahay. Ilmaha ayaa sidoo kale dareemi kara inay masuul ka yihiin xaalada ama aad u cabsan kara. Ha sugin inay kuu yimaadaan ayna ku waydiiyaan. Waydii nooca wararka iyo xogta ee ay maqleen ugana jawaab su’aalo kasta oo ay qabi karaan.

Badqabka ayaa noqon kara mid dadku kala qaadaan

Ilmaha ayaa dareemaayo amaan markaad adiggu dareemayso amaan. Ilmaha ayaa u baahan qalbi qaboojin iyo daryeel markay cabsanayaan. Si qoto dheer u neefso oo daji niyadaada. Abuur amaanka niyada adoo aqoonsanaaya dareenada ilmaha kana caawinaaya maaraynta dhammaan dareenadooda. Waxay u baahan karaan in dadka waawayn ay tusaan dulqaad dheeraad ah inta lagu jiro wajigaan.

Ku joogo jadwalka hawlaha maalin kasta

Xataa haddii aysan suuragal ahayn inay ilmuhu aadaan xarunta barbaarinta ama dugsiga, waa fikir wanaagsan inaad diyaarsato nashaadaad aad maalin kasta samayso, sida soo toosida iyo seexashada waqti caadi ah, inad jimicsi samayso aadna samayso shaqada dugsiga. Cuntooyinka caafimaadka leh, joogtada ah, cundo iyo jimicsiga jirka ayaa yareeya walaaca jirka carruurta iyo dadka waawayn si isku mid ah. Jadwalada iliga jiifka ayaa carqalad ku dhici kartaa marka ilmuhu cabsanayaan iyo/ama jiran yihiin. Ku dhaganoow jadwalada caadiga ah ee xiliga hurdada. Ka dheeroow in ilmahaagu maanta dhan daawadaan taleefanada iyo tableetyada ayagoo kaligood ah. Waa fikir fiican inaad ka qaado taleefanada iyo taableetyada saacad ka hor xiliga hurdada. Waa wax caadi ah in ilmuhu toosaan inta lagu jiro habaynkii ayna u imaadaan waalidkood. Arintaan waa dhamaan doontaa.

Xariirka Bulshada

Ku xirnoow ehelada iyo saaxiibada baraha bulshada ku jira iyo aalada taleefanka. Arintaan ayaa taageero ku siinaysa, ku dhiiri galinaysa waxayna yaraynaysaa walaaca.

Samee waxa kuu shaqaynaaya

Samee waxyaabaha adigga iyo qoyskaagu ku raaxaysataan sida daawashada filimaanta, akhrinta buugta, dhagaysiga muusiga iyo buugaagata codka ah. Waqtiga qoyska ayaa muhiim ah laakiin waa in la dhawraa xaqiqada ah in caruurtuna sidoo kale u baahan karaan waqti ay kaligood qaataan.

Raadso caawimaad

Qoysaska ayaa u baahan kara caawimaad inta lagu jiro xaaladaha adag. La xariir nidaamka taageerada ee dawladaada hoose ama wac laynka gurmadka.